Ciidamada Puntland iyo Alshabaab oo dagaal cusub maanta dhexmaray * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ciidamada Puntland iyo Alshabaab oo dagaal cusub maanta dhexmaray

Mareeg.com: Wararka ka imaanaya buuraha Calmadow oo ku dhow deegaanka Galgala ayaa sheegaya inuu halkaas ka dhacay dagaal u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo Al-Shabaab ee deegaankaas ku sugan

Dagaalka oo saaka billowday ayaan si rasmi ah loo ogayn ilaa hadda khasaaraha dhabta ah ee uu dhaliyay maadaama aysan wanaagsaneyn isgaarsiinta goobta lagu diriray.

Sarkaal ka mid ah ciidanka maamulka Puntland oo aan magaciisa shaacin ayaa qiray in uu jiro khasaare labada dhinacba soo gaaray.

Alshabaab oo ka hadlay dagaalka ayaa sheegay iney weerar gaadmo ah ku qaadeen qaar ka mid ah ciidamada Puntland oo marayey deegaanka (Karin Xagar-wade) oo ku dhaw deegaanka Galgala.

Alshabaab ayaa sheegay iney dileen afar ka mid ah ciidamada Puntland, islamarkaana la wareegeen degaanadii lagu dagaalamayey.

Maalmihii lasoo dhaafay, maamulka Puntland ayaa sheegayey iney soo afjaraan ALshabaab, iyadoo madaxweynaha maamulkaas C/weli Gaas uu sheegay iney la wareegeen dhul badan oo buuraley ah, kaasoo Alshabaab horay u joogeen.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!