Ciidamada NISA oo xabsiga u taxaabay Madaxii Hoggaanka Caafimaadka ee Hey’adda * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ciidamada NISA oo xabsiga u taxaabay Madaxii Hoggaanka Caafimaadka ee Hey’adda

Ciidamada hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ayaa xalay waxa ay xabsiga dhigeen Taliyaha Hoggaanka caafimaadka ee hay’addaasi Dr Xasan Axmed Maxamed Gacal.

Dr. Xasan Axmed Maxamed Gacal ayaa la xiray kadib markii shalay uu gaarigiisa ku qarxay bannaanka hore guri uu ka deggan yahay magaalada Muqdisho, isaga oo ka badbaaday qaraxaasi.

Ehlada Gacal ayaa u xaqiijiyay saxaafada xarigga loo geystey sarkaalkan ka tirsanaa ciidamada NISA, waxaana loo diidey ehelkiisa iney ogaadaan halka la geeyey.

Laamaha ammaanka weli kama aanay hadal xarigga Dr. Gacal iyo sababaha ka dambeeyay.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!