
Ciidamada Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen magaalada Muqdisho ku soo qabtay labo xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab.
Sida lagu baahiyay barta Twitter-ka NISA ayaa lagu sheegay in howl galka uu dhacay habeennimadii taariikhda ku beegneyd 23-ka Agosto oo xalay aheyd, isla markaana lagu soo qabtay labo shaqsi oo ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab, sida lagu yiri qoraalka.
Howlgalkan ayaa ka dhacay degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, waxaana NISA ay sheegtay in lagu sugayay nabadgelyada dadweynaha, iyadoo aanay jirin cid wax ku noqotay.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Ciidamada Amniga ka soo qabteen raggan guri ay degenaayeen.
Ciidamada NISA ayaa howlgalo qorsheysan ka fuliya magaalada Muqdisho, kaasoo ay ka qeyb qaataan ciidamo si gaar u tababaran, waxaa ay u dhacaan guryo la tuhunsan yahay inay ku jiraan ragga looga shakisan yahay Al-Shabaab.