Ciidamada NISA oo gacanta ku dhigay xubin ka tirsan Amniyaadka Al-Shabaab

Read Time:40 Second

Ciidamada NISA ayaa howlgal qorsheysan ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho ku qabtay xubin ka tirsan Amniyaadka Al-Shabaab.

Sida lagu baahiyay barta Twitter-ka ee Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa lagu sheegay in xubinta ka tirsanaa Al-Shabaab lagu qabtay degmada Huriwaa.
Howlgalka ayaa dhacay xalay, xilli taariikhda ku beegneyd 13 September, waxaa la sheegay in aanay jirin cid wax ku noqotay.
Waxaa lagu wargeliyay shacabka inay la soo xiriiraan ciidamada Amniga, haddii ay helaan xogo ku saabsan Al-Shabaab.
Bishan gudaheed ayaa howlgalada gaarka ee ay sameeyaan Ciidamada NISA waxaa xilli habeen ah lagu soo qabtay dhowr xubnood oo la sheegay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.
Maalmihii u dambeeyay Taliska NISA ayaa howlgalada uu ku soo qabtay xubnaha Shabaab ku shaacinayay Barta Twitter-ka oo dhowaanahan dib boorka looga jafay.

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %