Nabadsugida Soomaaliya oo sheegay iney Bakaraaha ku toogatatay rag dil u geystay askari * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Nabadsugida Soomaaliya oo sheegay iney Bakaraaha ku toogatatay rag dil u geystay askari

Mareeg.com: Ciidamada Nabadsugidda Soomaaliya ayaa sheegay iney Isgoyska Black Sea ee magaalada Muqdisho ku dileen labo nin oo askari ku dilay Suuqa Bakaaraha, gaar ahaan Suuqii hore ee Hubka ee Cirtoogte.

Nabadsugidda Soomaaliya aya sheegtay in markii labadaas nin ay toogteen askari ka tirsan ciidamada amaanka ay u baxsadeen dhanka Isgoyska Black Sea, balse ciidamada Nabadsugidda oo dabagalay ay isku dayeen iney qabtaan, balse markii ay dagaalameen la toogtay.

Waxey sheegtay Nabadsugiddu in labada la dilay laga helay labo bastooladood, kadibna meydkooda ay la wareegeen ciidamada amaanka Soomaaliya oo u qaaday mid ka mid ah saldhigyada ay Muqdisho ku leeyihiin.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!