Ciidamada Nabadsugida oo xabsiga dhigay qoyska nin xalay wiil iyo hooyadii ku dilay Xaafada Towfiiq * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ciidamada Nabadsugida oo xabsiga dhigay qoyska nin xalay wiil iyo hooyadii ku dilay Xaafada Towfiiq

Mareeg.com-Ciidamada Nabadsugida ayaa maanta xabsiga dhigay qoyska nin xalay wiil iyo hooyadii ku dilay Xaafada Towfiiq ee degmada Yaaqshiid, iyadoo dhacdadan aheyd mid aad looga argagaxay.

Ninkan gacan ku dhiiglaha ayaa falkan dilka wiilka iyo hooyadii u adeegsaday toorey, isagoo xalay ka baxsaday xaafada Towqiif, sida dadka deegaanka ay sheegeen.

Wararka qaar ayaa sheegaya in labada qoys oo diris ahaa uu dhex maray muran, kadibna ay keentay mid ka mid ah wiilasha qoyska inuu ku kaco tallaabadan foosha xun ee uu ku qaarijiyay wiilka iyo hooyadi.

Meydka hooyada iyo wiilka ay dhashay ayaa la geeyay saakay xarunta dambi baarista CID, halka ciidamada nabadsugida ay xabsiga dhigeen qoyskii uu ka soo jeeday ninka gacan ku dhiiglaha ah.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulka degmada Yaaqshiid oo ku aadan dilka xalay ka dhacay xaafada Towfiiq.

Saacadihii u dambeeyay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay dilal kala duwan, waxaana saddex ka mid ah dadka la dilay ay ahaayeen haween.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!