Ciidamada Nabadsugida oo sheegay inay bur buriyeen goobo muhiim u ah Al-Shabaab * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ciidamada Nabadsugida oo sheegay inay bur buriyeen goobo muhiim u ah Al-Shabaab

Ciidamada Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka ayaa howl gallo ballaaran ka fuliyay duleedka Muqdisho, gaar ahaan baro Al-Shabaab lahaayeen, kaasoo la sheegay in weerarada ka soo abaabuli jireen.

Barahan ayaa ku yaallay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye, waxaana ciidamada ay tilmaameen inay in muddo ah Al-Shabaab u aheyd goobo ay weerarada ka abaabulaan.

Wararka ayaa intaa ku daraya in baraha laga weerari jiray Afgooye, Ceelasha Biyaha, Lafoole iyo meelo ka mid ah Muqdisho.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen inay gacanta ku dhigeen waxyaabo ay ka carareen Al-Shabaab oo ay uga tageen goobihii ay fariisimaha ku lahaayeen.

Ciidamada Nabadsugida ayaa howl gallo xiriir ah ka waday Afgooye iyo deegaanada ku dhow dhow, kadib markii ay sheegeen inay heleen xogo ku saabsan in Al-Shabaab ku dhuumaaleystaan.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!