Ciidamada Nabadsugida oo gacanta ku dhigay gacan ku dhiigle dil ka geystay Jowhar * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ciidamada Nabadsugida oo gacanta ku dhigay gacan ku dhiigle dil ka geystay Jowhar

Ciidamada Nabadsugida degmada Jowhar ayaa gacanta ku soo dhigay nin gacan ku dhiigle ahaa oo maalin ka hor duleedka Jowhar ku dilay nin si aad ah looga yaqaanay magaalada, kaasoo ka ganacsanayay Qaadka.

Ninkan oo lagu magacaabayay Feysal Baxuur ayaa lagu dilay bariga magaalada Jowhar, xilli uu Qaad u waday tuulooyinka.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe oo ka qeyb galay aaska ninkaas ayaa ku amray Ciidamada Ammaanka inay gacanta ku soo dhigaan kooxihii ka dambeeyay dilka.

Ciidamada Nabadsugida ayaa howl gal ay ka sameeyeen deegaanka Geeda-Barkaan ku soo qabtay ninkii gacan ku dhiiglaha ahaa, kaasoo haatan ku xiran Saldhiga Booliska Jowhar.

Taliyaha Nabadsugida Gobolka Shabeellaha Dhexe C/wali Ibraahim Maxamed ayaa sheegay in howl galkan ay ugu suura gashay inay gacanta ku soo dhigaan ruuxii gacan ku dhiiglaha ahaa.

Taliyaha ayaa sheegay inay dhamaatay xilligii dadka loo dili jiray aanooyin qabiil, isla markaana cidii dil geysata la soo qabanayo sharcigana la hor-geynayo.

Shacabka ku dhaqan degmada Jowhar ayaa soo dhoweeyay tallaabadan lagu soo qabtay gacan ku dhiiglaha dilka geystay.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.