Ciidamada maamulka Juba oo sheegay iney Alshabaab kala wareegeen degaano horleh * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ciidamada maamulka Juba oo sheegay iney Alshabaab kala wareegeen degaano horleh

Mareeg.com: Ciidanka maamulka KMG ah ee Jubba ayaa sheegay iney Alshabaab kala wareegeen deegaanno hor leh oo ku yaalla gobolka Jubbada Hoose.

Kornayl Mursal Geeddi oo ka mid ah saraakiisha ciidanka maamulka Jubba ayaa sheegay inay ciidankooda la wareegeen deegaannada Baar-sanguunni, Koban iyo Wirkooy oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Kornayl Muuse ayaa sheegay in howlgalka ay kula wareegeen deegaannadaasi ay sidoo kale ku dileen saddex ka tirsanayd Al-Shabaab, ayna ku qabsadeen hub iyo saanad milateri oo ay ka furteen Al-Shabaab.

Wuxuu sheegay inuusan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray dhinacooda. Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku saabsan howlgalka.

Sarkaalka ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howlgalka tan iyo Al-Shabaab laga saarayo deegaannada ay uga sugan yihiin gobollada uu maamulka ka taliyo.

Howlgalka ayaa waxaa si wada-jir ah isaga kaashaday ciidanka Kenya ee qeybta ka ah AMISOM iyo ciidanka maamulka Jubba.

Afhayeenka Maamulka KMG ah ee Jubba Cabdi naasir Seeraar ayaa xalay sheegay in Ciidamada Kenya duqeyn ka geysteen deegaanka Cabdulle Biroole, ayna ku dileen saraakiil ka tirsan Xarakada Al-shabaab islamarkaan sidoo kale ay Burburiyeen saldhigyo Al-shabaabku lahaayeen.

“Diyaaradaha Ciidamada Kenya ee AMISOM ayaa Weeraro qorsheysan ku qaaday Al-shabaab,Weerarada Guulo ayaa laga gaaray oo Rag ka tirsan Shabaab ayaa lagu diley” ayuu yiri Seeraar.

Dhowr jeer ayaa Diyaaradaha Dalka Kenya waxaa ay Duqeymo ka geeysteen Gobolka Jubbada Hoose,iyadoona la sheegay in Dad Shacab ay Duqeymahaasi ay ku Geeriyoodeen.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.