Mareeg.com: Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in ciidamada maamulka KMG ah ee Jubba iyo kuwa AMISOM ay maanta la wareegeen deegaanka Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose iyo deegaanno kale kaddib markii ay maanta weerar ku qaadeen deegaannadaasi.
Ciidamada Huwanta, ayaa iska caabin xoogan waxay kala kulmeen dagaal-yahanada Al Shabaab, oo isku deyay inay difaacdaan gacan ku haynta deegaanka Kudhaa, inkastoo markii dambey ay deegaanka la wareegeen ciidamada huwanta ah.
Ciidamada Huwanta, ayaa waxay laba jiho ka galeen deegaanka Kudhaa, iyagoona isku ballaariyay qaybaha kala duwan ee deegaankaasi.
Afhayeenka Maamulka KMG ah ee Jubba C/naasir Seeraar Maax, oo la hadlay Warbaahinta wuxuu xaqiijiyay in Ciidamada Huwanta ay si buuxdo ula wareegeen gacan ku haynta deegaanka Kudhaa.
Afhayeenka wuxuu xaqiijiyay in dagaalka ay ku dileen ugu yaraan afar ka mid ah dagaal-yahanada Al Shabaab, iyadoo uu ka gaabsaday khasaaraha dhankooda ka soo gaaray dagaalkaasi.
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.