Ciidamada maamulka Juba iyo Alshabaab oo ku dagaalamay meel 50 KM u jirta Kismaayo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ciidamada maamulka Juba iyo Alshabaab oo ku dagaalamay meel 50 KM u jirta Kismaayo

Mareeg.com: Waxaa maalintii labaad dagaal xoogan debadda Kismaayo ku dhexmarayaa ciidamada maamulka KMG ah ee Juba iyo ciidamada Alshabaab.

Dagaalka ayaa ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Cabdalle Biroole oo 50 KM ka baxsan magaalada Kismaayo.

Dagaalka ayaa shalay qarxay kadib markii isku dhac hubeysan dhex maray maleeshiyo beeleed deegaanka ah iyo Alshabaab oo dadka deegaanka weydiiyey xoolo seko ah.

Ciidamada maamulka Juba ayaa la sheegay iney u gurmadeen maleeshiyo beeleedka halkaas kula dagaallamay Alshabaab.

Lama oga ilaa hadda khasaaraha ka dhashay dagaalka galay maalintii labaad. Ma aha markii ugu horreysay ee ciidamada maamulka Juba gurmad siiyaan beelo dagaal kala hortegay Alshabaab.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!