Ciidamada Maamulka Galmudug oo soo furtay Muwaadiniin Iraan ah oo u xirnaa Burcad Badeed * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ciidamada Maamulka Galmudug oo soo furtay Muwaadiniin Iraan ah oo u xirnaa Burcad Badeed

Cadaado (Mareeg)—Wararka laga helayo Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa ku soo waramaya in Ciidamada Maamulka Galmudug ay soo furteen ugu yaraan 4 Ruux oo ka soo jeeda Dalka Iraan kuwaasi oo afduub ahaan ay u heyteen Koox Burcadeed ah.

Muwaadiniintan u dhashay Dalka Iraan ayaa lagu heystay Degaan ku dhow Magaalada Cadaado halkaasi oo Kooxo Bucad Badeed ahi ay ku hayeen si ay Madaxooda ugu halaan Lacag madax furasho ah.

Saraakiil ka tirsan maamulka Galmudug oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in howlgal gaar ah lagu soo furtay Muwaadiniintaasi ay heysteen Kooxaha Burcad Badeeda waxaana ay sheegeen in haatan la keenay Magaalada Cadaado.

Dadkan la soo badbaayay ayaa Wararku waxey sheegayaan ay yihiin Kaluumeysato kuwaasi oo in ka baddan 2 Sanno ay ku jireen gacanta Kooxdaasi Burcad Badeed ahi.

Afduubka 4-taasi Ruux ayaa waxuu dhacay Xili ay ku guda jireen howlahooda kaluumeysi waxaana Saraakiisha Maamulka Galmudug ay shegayaan in ay ku guuleysteen soo furashadooda.

Ugu dambeyn, Xaalada Muwaadiniintaasi u dhashay Dalka Iraan oo afduub ahaan ay u heysteen Koox ka tirsan Burcad Badeeda Soomaaliyeed ayaa lagu soo waramayaa in ay tahay mid wanaagsan.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!