Ciidamada Maamulada Puntland iyo Galmudug Oo Maanta La Kala Qaadayo

Read Time:34 Second

Wararka aan ka heleyno Duleedka Magalaada Gaalkacyo ayaa waxaa ay sheegayan in maanta halkaasi lagu wado in lagu kala qaado Ciidamadii isku hor fadhiyay.

Ciidamada maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa maanta oo jimco ah lagu wadaa in la kalo qaado waxaa sidoo kale is hor imaan doono Guddiyada Labada dhinac ee aan wax kulan ah aan yeelan tan iyo markii la Magacaabay.

Xaalada guud ee maanta Magaalada Gaalkacyo ayaa dagan waxaa dadka deegaanka inoo sheegeen wax dagaal ah uusan jirin, waxaa sidoo kale furan Goobaha ganacsiga Magaalada.

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa ku sugan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Guddi ka socda Madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Galmudug Guddi ka socda Abwaanada Soomaaliyeed.

 

About Post Author

Xuseen Axmed

Former somalia247.com reporter and currently mareeg media representative in Somalia
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %