
Wararka laga helayo deegaanka Allay-baday ayaa waxaa ay sheegayaan in Arrintan ay ka dhalatay muran dhexmaray ciidamada iyo dad Rayid ah,taas oo keentay in Ciidamada liyuu Boolis ay dadka Shacabka ah rasaas ku furan.
Qofka rasaastaas ku geeriyooday ayaa meydkiisa waxaa loo qaaday Magaalada Jigjiga ee Xarunta Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya halka labada ruux ee dhaawacmay la geeyey Isbitaalka deegaanka Allay-baday ee gobolka Gabilay ee Soomaaliland.
Goobta ay Ciidamada liyuu Boolis dadka Shacabka ah ku rasaaseyeen ayaa waxaa lagu soo waramayaa in Maanta ay tegi doonaan Mas’uuliyiin ka tirsan Soomaaliland si Xubno ka tirsan dowlad deegaanka ay kala hadlaan dhacadaas.