Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya oo ka qeyb qaatay Howlgalkii laga fuliyay Owdheegle * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya oo ka qeyb qaatay Howlgalkii laga fuliyay Owdheegle

Warar soo baxaya ayaa sheeaya in Ciidamada Kumanadooska Dowlada Soomaaliya ee loo yaqaano Danab , ay ka qeyb qaateen howlgalkii habeen hore laga fuliyay Deegaanka Owdheegle ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Howlgalka Owdheegle ayaa la sheegay in si wadajir ah ay u fuliyeen Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ,kuwaaa oo adeegsanayay labo diyaaradood oo nuuca Qumaatiga u kaca kuna dagay meel deegaanka banaanka ka ah.

Ciidamada wadajira ayaa Weerar ku qaaday goobo bartilmaameed u ahaa uu ku jiro saldhiga Al-Shabaab ku leeyihiin deegaanka Owdheegle, waxaana Wararku sheeayaan in Howlgalkan Ciidamada fuliyay ay dileen dagaalyahano katirsan Al-Shabaab tiro kalana nolosha kusoo qabteen.

Afhayeenka Ciidamada Mareykanka ee Africa Col. Mark Cheadle, ayaa sheegay in Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ay fuliyeen howlgalka xoogiisa, waxa uuna tilmaamay in Ciidankooda gaarka ah ay gacan ka geesteen howlgalkaasi.

Waxa uu xusay Afhayeenka iyo Howlgalkii laga fuliyay Deegaanka Owdheegle uu kusoo dhamaaday guul ah ayna ciidankooda dhinaca la talinta iyo diyaaradaha ku taageereen Kumaandooska Dowlada Soomaaliya ee howlgalka xoogiisa fuliyay.

Saraakiil katirsan Dowlada Soomaaliya ayaa Warbaahinta u sheegay in howlgalkaasi lagu dilay in ka badan 15-dagaalyahan oo katirsanaa Al-Shabaab sidoo kale lagu soo qabtay tiro kale iyaga oo nool, lamana oga in ciidamada ay dileen ama qabteen saraakiil bartilmaameedkoodu ahaa.

Al-Shabaab ayaa dhankooda qirtay in howlgakii Owdheegle looga dilay kaliya hal dagaalyahan, waxa ayna tilmaameen in howlgalkaasi ay fashiliyeen ayna kala eryeen ciidamo cadaan ah ay sheegeen in ay soo weerareen.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.