Ciidamada Koonfurta Sudan Oo Gaadiid Fabadan Ka Qaatay Soomaali U Qaxayey Itoobiya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ciidamada Koonfurta Sudan Oo Gaadiid Fabadan Ka Qaatay Soomaali U Qaxayey Itoobiya

Muqdisho, Mareeg.com: Ilaa 40 qof oo Soomaali ah oo u badan dadka gaadiidlayda ah ayaa ku xaniban xuduuda dalalka Itoobiya iyo Koonfurta Sudan.

Dadkan oo u badan rag ayaa sheegay in gaadiidkoodii looga reebtey dhinaca gudaha Koonfurta Sudan oo loo diidey inay kala gudbaan xadka Itoobiya, inkastoo iyaga loo oggolaaday inay u gudbaan dhinaca Itoobiya.

Waxay sheegeen in lagala haray ilaa 24 babauur oo iskugu jira baabuurta waaweyn ee tareellayaasha iyo kuwa iska-rogada ah.

Qaar ka mid ah dadkaasi Soomaalida ah oo ku xaniban xuduuda u dhexeysa labada dal oo la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa waxa ay sheegeen in maalmo badan ay ku xaniban yihiin halka xuduudaha ay wadaagaan labadaasi dal.

Dadkaasi ayaa waxa ay sheegeen in qaarkood ay cuntadii ka soomeen, labada gabdhoodna ay dajiyeen guri uu leeyahay nin ay sheegeen in guddoomiye uu ka yahay deegaanka ay joogaan, waxaana ay tilmaameen in ay u xayiran yihiin ciidamo ka tirsan dowladda Suudaanta Koonfureed.

Wasaaradda arrimaha debadda Soomaaliya ayaa horay dalalka deriska la ah Koonnfurta Sudan ugala hadashay in Soomaalida iyo gaadiidkooda loo ogolaado iney u gubaan dalalkaas haddii ay khatar dareemaan, hase ahaatee waxaa muuqata iney Soomaalida ku dhegan yihiin ciidamada dowladda K. Sudan.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!