Ciidamada Kenya oo qaarijiyay Guddoomiyihii Deegaanka Ceelcade * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ciidamada Kenya oo qaarijiyay Guddoomiyihii Deegaanka Ceelcade

Garbaahaareey ( Mareeg)-Wararka aan ka heleyno deegaanka Likooleey ee Gobolka Gedo ayaa ku soo warramaya in Askarta Kenya ay halkaas ku dileen guddoomiyihii deegaanka Ceelcade.

Guddoomiyaha la dilay oo lagu Magacaabi jiray Cabdiqaadir Max’ed Cali Qoorleex ayaa indhawaanahaan kadib weerarkii Ceelcade  u xirnaa Ciidamada Kenya.

Saraakiisha Kenya ayaa guddoomiyaha u heystay kadib markii lagu soo eedeeyay in ilaaladiida ay gacan ka geysteen weerarkii Ceelcade.

Sida uu  xaqiijiyay Col Aadan Rufle oo ka mid ah Saraakiisha  dowladda Soomaaliya ee Gobolka Gedo guddoomiyaha ayaa geeriyooday kadib markii uu Rasaas ku furay Askar Kenyan ah.

Weli kama hadlin Saraakiisha Kenya arrintaan iyadoona sidoo kale aanu jirin wax war ah oo dhankooda ay ka soo saareen Maamulka Gobolka Gedo falkaan.

Dhawaan ayaa dowladda Kenya war ay soo saartay waxa ay ugu eedeysay beesha Mareexaan ee degta Deegaanka Ceelcade in ay kaalin ka geysteen weerarkii Askarta badan looga laayay.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!