Ciidamada Kenya Oo Isaga Baxay Deegaanka Tarako Ee Gobolka Gedo

Read Time:37 Second

Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa isaga baxay  deegaanka Tarako oo dhaca Gobolka Gedo ee Koonfur Galbeed dalka Soomaaliya.

Ciidamada Kenya oo wata gaadiidka gaashaaman iyo kuwa xamuulka ayaa gabaldhicii shalay u dhaqaaqay dhanka degmada ceel-waaq halkaasi oo ay uga horreeyeen kumanaan Askari oo arbacadii lasoo dhaafay isaga baxay Magaalada Baardheere ee isla Gobolka Gedo.

Goob joogayaal ku sugan deegaanka tarako ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan Ururka Al Shabaab ay gudaha u galeen deegaanka waxayna baaritaano ka sameeyeen saldhigyadii ay isaga guureen Ciidamada kenya.

Waa saldhigii labaad ee Ciidamada Kenya isaga baxaan bishaan gudaheeda kadib markii ay dhawaan isaga baxeyn saldhigii ugu weynaa ay ku lahaayeen Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo.

About Post Author

Xuseen Axmed

Former somalia247.com reporter and currently mareeg media representative in Somalia
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %