Ciidamada Kenya Oo isaga baxay deegaanka Ceelcade ee Gobolka Gedo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ciidamada Kenya Oo isaga baxay deegaanka Ceelcade ee Gobolka Gedo

Ceelcade ( Mareeg)-Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Kenya ayaa isaga baxay deegaanka Ceelcade ee Gobolka Gedo.

Ka bixitaanka Ciidamada Kenya ee deegaanka Ceelcade ayaa waxaa  xaqiijiyay qaar ka tirsan dadka deegaanka.

Ilaha deegaanka ayaa sheegay in Ciidamada loo maleynayo in ay ka shakiyeen ceelasha Biyaha deegaanka in loo sumeeyo.

Arrintaan ayaa ku soo beegmeysa xilli Dowladda Kenya ay sheegtay in ay shaki buuxa ka qabto in Beesha Mareexaan ay Al Shabaab ku gacan siiyeen weerarkii Ceelcade ee Askarta badan looga laayay.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!