Ciidamada Kenya Oo Gabi Ahaan Isaga Baxay Magaalada Baardheere * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ciidamada Kenya Oo Gabi Ahaan Isaga Baxay Magaalada Baardheere

Wararka aan ka heleyno Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi gabi ahaan ay isaga baxeen Ciidamada Kenya ee halkaasi ku sugnaa.

Ciidamada Kenya ayaa la sheegay in Xalay ilaa iyo  Saakay ay wadeen dhaqdhaqaaqyo ay uga baxayaan Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo waxaana la soo warinayaa in haatahaan aysan jirin Cid gacan ku heysa Magaalada.

Waxaa hawada ka maqan Isgaarsiintii Magaalada Baardheere ,iyadoona sababta Isgaarsiinta loo damiyay ay tahay Arrinta ku aadan guuritaanka Ciidamada Kenya ay kaga guurayeen Magaalada Baardheere .

Ciidamada Kenya ee maanta ka guuray Magaalada Baardheere ayaa u dhaqaaqay dhanka Degmada Baled-Xaawo, sida laga soo xigtay Saraakiil ka tirsan Ciidamada Jubbaland.

Ilaa iyo hada lama oga sababta rasmiga ah ee Ciidamada Kenya ay uga baxeen Magaalada Baardheere, ayna ugu dhaqaaqeen dhanka Degmada Baled Xaawo ee Gobolka Gedo.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!