Mareeg Media
Somalia

Ciidamada Kenya Oo Dib Ula wareegay Ceelcade

Deegaanka Ceelcade ee Gobolka Gedo ayaa maanta waxaa dib ula wareegay Ciidamada Kenya.

Boqolaal Askarta Kenya ah ayaa gudaha u galay deegaanka kuwaas oo halkaas gaaray xilli deegaanku haawanayo.

“ Xoolihii looga cararay deegaanka oo  dhooban matoorka biyaha ayey biyo u fureen, meesha wax joogo malahan iyaga unbaa galay” sidaas waxaa yiri qof deegaanka ah oo la hadlay Radio Shabelle.

Sidoo kale Ciidamada Kenya ayaa weli baadi goob ugu jira Askartii uga habowday weerarkii Ceelcade.

Dhinaca Ururka Al Shabaab ayaa fagaaro ku yaalla duleedka degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe ku soo bandhigay Askar Kenyan iyo saanado dagaal oo ay sheegeen in ay ku qabsadeen dagaalkii Ceelcade.

Goob Jooge ka qeyb galay meesha wax lagu soo bandhigayay ayaa sheegay in uu arkayay illaa 28 Askari oo Kenyan ah oo iyagu nool nool iyo gaadiid dagaal oo Al Shabaab ay sheegeen in ay ku qabsadeen weerarkoodii Ceelcade.

Jimcadii aan ka soo gudubnay ayaa Al Shabaab waxa ay weerar Culus ku qaadeen Saldhig Ciidamada Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Ceelcade ee Gobolka Gedo.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!