Ciidamada Kenya oo dhaq dhaqaaqyo ka Xadka Soomaaliya iyo Kenya

Ciidamada Kenya ayaa dhaq dhaqaaqyo ka wada xadka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya.

 

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in ay arkayaan Ciidamo fara badan iyo gaadiid dagaal oo dhaq dhaqaaq ka wada halkaas.

 

Dhinaca kale waxaa maanta lagu arkay Jubbooyinka diyaarado dagaal oo dul heehaabaya halkaas.

 

Ciidamada Kenya ayaa dhawaan faarujiyay deegaanka Ceelcade iyo degmada Badhaadhe ee Gobollada Gedo iyo Jubbooyinka.