Ciidamada kala taabacsan Abuu Zubeyr iyo Abuu Mansuur oo maanta Dagaal culus uu ku dhax maray Degmada Saakow

Read Time:56 Second

Mareeg.com-Wararka laga helayo Degmada Saakow ee Gobolka Jubada Dhaxe ayaa sheegaya in Maanta halkaasi uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidamo kala taabcsan Amiirka Guud ee Xarakada Al-Shabaab Sheekh Mutaar Abuu Zubeyr iyo Ciidamo kale oo daacad u ah Sheekh Muqtaar Roobow (Abuu Mansuur).

Goob joogayaal kusugan Degmada Saakow ayaa u xaqiijiayy Qaar kamid Idaacadaha Magaalada Muqdisho in manta dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamo kala taabacsan uu ka dhacay Degmada Saakow walina halkaasi xiisad laga dareemayo.

Ku dhawaad shan qof oo u badnaa dhinacyadii dagaalamay ayaa la xaiijiyay in ay dagaalkaasi ku dhinteen tiro kalana ay dhaawacyo soo gaareen , waxaana wali laga dareenayaa goobihii lagu dagaalamay kacsanaan iyo cabsi dagaal.

Lama oga ilaa hada waxa keenay dagaalka dax maray Ciidamada kawada tirsan Al-Shabaab , waxaana xusid mudan in Amiirka Al-Shabaab Abuu Zubeyr iyo Sheekh Muqtaar Roobow ay kala fogaadeen fikir ahaan uuna Sheekh Roobay ka baxsaday Degmada Baraawe ee Gobolka Sh/Hoose.

Al-Shabaab kama aysan hadlin warkan sheegaya in ciidamo dhaxdooda ah ay Maanta dagaalameen , waxaana inta badan Xaraka Al-Shabaab aan looga baran ka hadalka dagaalada iyo qalalaasaha dhaxdooda ka dhaca.

Happy
Happy
0 0 %
Sad
Sad
0 0 %
Excited
Excited
0 0 %
Sleepy
Sleepy
0 0 %
Angry
Angry
0 0 %
Surprise
Surprise
0 0 %