Ciidamada Juba iyo Amisom oo la wareegay deegaano ay Alshabaab maamulayeen

Read Time:43 Second

Mareeg.com: Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ku sugan Jubbooyinka ayaa la wareegay deegaannada Jannaay Cabdalla iyo Far-waamo oo ku teedsan webiga Jubba.

Saraakiil ka tirsan maamulka Juba ayaa warbaahinta u sheegay in deegaanadan oo ay ka talinaysay Al-shabaab ayaa lala wareegay kadib markii dagaallo ka dhaceen, iyadoo aan la sheegin wax khasaare ah oo soo gaaray dadka deegaannadaas ku nool.

Saraakiisha ciidamada isbahaysanaya ayaa sheegay inaysan iska-caabbin xooggan kala kulmin xoogaggii Al-shabaab ee dagaalka ku jiray, waxayna intaa ku dareen inay ku raad-joogaan xoogaggii Al-shabaab ee goobahaas ka talinayay.

Ciidamada Kenya oo ka tirsan kuwa AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ee ku sugan Jubbooyinka ayaa horay ula wareegay deegaanno Jubbada Hoose ka tirsan oo ay ku jirto Buulo-guduud oo qiyaastii 30-km waqooyi kaga beegan degmada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.