Ciidamada Jabuuti oo la wareegay ammaanka degmada Jalalaqsi (Sawirro)

Read Time:52 Second

Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howl galka AMISOM ayaa shalay si buuxda ula wareegay ammaanka degmada Jalalaqsi, kadib markii ay bedeleen Ciidamadii Burundi ee horay halkaas u joogay.

Ciidamo fara badan oo ka socda Jabuuti oo gaadiid dagaal watay ayaa tagay Jalalaqsi, kuwaasoo ka baxay degmada Buulo Burde.

Munaasabad ay ciidamada Jabuuti kula wareegayaan ammaanka degmada Jalalaqsi ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax, Taliyaha Guud ee Ciidamada Jabuuti Jen, Zakariye iyo Saraakiil ka tirsan AMISOM.

Booqashada Taliyaha Guud ee Ciidamada Jabuuti ku tago Gobolka Hiiraan ayaa aheyn markii u horeysay, iyadoo Taliyuhu la dar daarmay Ciidamada Jabuuti oo degmadii saddexaad oo ka tirsan Gobolka Hiiraan la wareegaan.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax ayaa ku ammaanay Ciidamada Jabuuti inay door weyn ka qaateen nabada Gobolka, isagoo xusay in dhamaan deegaanada gobolka la isku furi doono.jabuti-1

Ciidamada Jabuuti ayaa horay ugu sugnaa degmooyinka Beledweyn iyo Buulo Burde oo sanadkii hore ay la wareegeen, waxaana degmadaas ay muddo sanad iyo bar aheyd mid go’doon ku jirtay.

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.