Buuhoodle: Ciidamada Itoobiya oo ku fashilmay afduubka macalin Dugsi Qur’aan

Read Time:48 Second

Mareeg.com: Ciidamo Itoobiyan ah oo xalay si kedis ah ku galay magaalada Buuhoodle oo ka tirsan gobolka Sool ayaa ku guul dareystay iney xiraan Macalin Dugsi Qur’aan oo halkaas wax ka dhiga.

Mid ka mid ah macallimiinta wax ka dhiga dugsigaas ayaa VOA u sheegay in xalay ciidamo Itoobiyaan ah soo galeen madrasada, kadibna isku dayeen iney xiraan mid ka mid ah Macallimiinta balse uu ka baxsaday.

“Ciidamo Itoobiyan ahaa xalay galay madrasada, kuwaasoo doonayey iney xiraan macaalin, hase ahaatee wuu ka baxsaday, waxeysa ciidamadu dhaawaceen haweeney madrasada wax ka barata, waxaana dhaawaceeda loo gaaqaday Garowe” ayuu yiri macalinkaas oo magaciisa u qariyey sababo amaan.

Macalinka oo la weydiiyey sababta keentay in la bartilmaameedsado maccalinka la shaqeynayey ayaa sheegay inuusan waxba kala socon, hase ahaa uu u maleynayo in lagu heysto xaqa oo uu ka hadlo.

Ciidamada Itoobiya ayaa inta badan xira wadaada ay is leeyihiin wey idinka soo horjeedaan ama waxey faafinayaan afkaaro aan danahooda u adeegeyn.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %