Ciidamada Itoobiya Oo Uganda Iyo Burundi Kala Wareegay Amaanka Magaalada Baydhabo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ciidamada Itoobiya Oo Uganda Iyo Burundi Kala Wareegay Amaanka Magaalada Baydhabo

Baydhabo – Mareeg.com: Ciidamada dowladda Ethiopia ee todobaadkii lasoo dhaafay ku biiray howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta lagu wareejiyay sugidda amaanka magaalada Baydhabo oo ay horey ugu sugnaayeen ciidamada Dalalka Uganda iyo Burundi.

Magaalada Beydhabo ayaa maanta laga dareemay isbedel, kadib markii ciidamada Ethiopia ay si buuxda amaanka magaaladaasi ugala wareegeen ciidamada dalalka Uganda iyo Burundi oo iyagu gacanta ku hayay amaanka magaaladaasi.

Taliyaha ciidamada milateriga Soomaalita ee aagga Beydhabo Jen. Ibraahin Yaroow ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya si rasmi ah amaanka Baydhabo kala wareegeen ciidamada Burundi iyo Uganda.

“Ciidamada Itoobiya iyo Soomaalida waxay maanta si buuxda ula wareegeen ammaanka Bayhdbao Ciidamada AMISOM ee Brundi iyo Uganda, waxaa hada baxay Ciidamada Uganda, Ciidamada Brundi waa bixi doonaan”ayuu yiri Jen. Ibraahim Yarow.

Ciidamadi Uganda ee horay ugu sugnaa ku sugnaa magaalada Beydhabo oo wata dabaabaadkooda dagaalka ayaa saaka la arkayay iyagoo magaaladaasi uga sii baxaya dhanka magaalada Buurhakaba, waxaana magaalada weli ku sugan ciidamada Burundi.

Sanadkii hore ayay aheyd markii Ciidamada AMISOM kala wareegeen ammaanka Baydhabo Ciidamada Itoobiya oo aan horay uga mid aheyn howl galka AMISOM, balse todobaadkii hore ayay si rasmi ugu biireen howl galkaas, taasoo keentay iney mar kale la wareegaan amaanka Baydhabo.

Ciidamada ka socday dalalka Uganda iyo Burundi ayaa lagu wadaa iney u dhaqaaqaan degmooyin ka tirsan gobollada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!