Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah Amisom oo weeraray degmada Rabdhuure ee Gobolka Bakool * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah Amisom oo weeraray degmada Rabdhuure ee Gobolka Bakool

Muqdisho – Mareeg.com: Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ee qeybta ka ah AMISOM ayaa manata weerar ku qaaday deegaano Alshabaab ka maamulaan gobolka Bakool ee koonfurta Soomaaliya.

Gudoomiye ku xigeenka dhinaca amniga iyo siyaasadda gobolka Bakool C/nuur Xasan Maxamed ayaa VOA u sheegay iney ciidamada is garabsanaya ay saaka weerareen degmada Rabdhuurre ee gobolka Bakool, islamarkaana ay gacanta ku dhigeen.

Wuxuu sheegay C/nuur in ciidamadii Alshabaab ee halkaas ku sugnaa ay isaga carareen kadib markii sida uu yiri ay soo tureen rasaas aan badneyn.

Sidoo kale, gudoomiye ku xigeenka ayaa sheegay iney ku socdaan degmooyinka Xudur iyo Waajid oo ka wada tirsan gobolka Bakool.

Alshabaab ayaa warbaahinta ay leeyihiin ka hadashay dagaalkan, waxeyna xaqiijiyeen in ciidamada Itoobiya manta weerar ku qaadeen degmada Rabdhuure ee gobolka Bakool.

Alshabaab ayaa sheegay iney dagaal kala hortageen ciidamada Itoobiya oo ka duulay deegaanka Yeed, islamarkaana kusii jeedat degmada Rabdhuure, waxeyna xuseen in dagaalku ka dhacay deegaan lagu magacaabo Calanle oo dhaca duleedka Rabdhuure.

Wararka horudhaca ah ee warhaahinta Alshabaab sii daayeen ayaa sheegaya iney iska caabiyeen ciidamada Itoobiya ee saaka ku duulay degmada Rabdhuure oo ka mid aheyd deegaanada Alshabaab ugu xooganaayeen koonfurta Soomaaliya.

Ma jiraan warar madax banaan oo xaqiijin kara xaaladda deegaanada dagaalladu ka dhaceen, iyadoo maamulka dowladda ee gobolka Bakool iyo Alshabaab sii daayeen warar iska soo horjeeda.    

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!