Ciidamada Itoobiya dad badan ku xiray gobolka Galgaduud

Read Time:40 Second

Muqdisho – Mareeg.com: Ciidamada Itoobiya ayaa shalay xiray 15 qof oo gurmad biyo dhaamin ah ka waday tuulooyin hoos taga deegaanka Guriceel ee gobolka Galgaduud. Ma cadda sababta ka dambeysa xarigga dadkaas.

Dadka la xiray waxaa ku jira taliyaha ciidanka booliska dowladda Soomaaliya ee deegaanka Guriceel Muuse Macallin Maxamed.

Waxaa dadkaas laga qabtay deegaan lagu magacaabo Toos-dheer oo u dhaxeeya xadka Soomaaliya iyo Itoobiya, waxayna hadda ku xiran yihiin saldhigga Labo-baar.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Fulinta maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca Jaamac Aadan Cabdulle ayaa sheegay inay la kulmeen saraakiisha ciidamada Itoobiya, isla markaana ay dedaal ugu jiraan sidii loo sii deyn lahaa dadkaas.

Deegaanada dadka lagu xiray ayaa ka mid ah meelaha biyo la’aantu ka jirtay maalmihii lasoo dhaafay, iyadoo meelaha qaar dad haraad ugu geeriyoodeen.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.