Ciidamada Ilaalada Xuduudaha Kenya Oo Qabtay Saddex Looga Shakiyey Alshabaab

Madera – Mareeg.com: Ciidamada ilaalada xuduudaha dalka Kenya ayaa 3 nin oo sida la sheegay hub sitay gelinkii dambe ee shalay ku qabtay meel u dhow magaalada Mandera ee xadka Soomaaliya iyo Kenya.

Saddexdan nin oo sida la sheegay kasoo tallaabay dhinaca Soomaaliya, waxaa lagu qabtay deegaanka Koromei iyagoo markii la qabanayey watey saddex qoryaha fudud ah iyo rasaas badan.

Booliska Kenya ayaa aaminsan in raggaan ay xiriir la lahaayeen Alshabaab, islamarkaana laga yaabo iney doonayeen iney weeraro ka geystaan gudaha Kenya, siday ay werisay Xinhua.

Taliyaha booliska Mandheera Nuux Mwivanda, ayaa sheegay in raggan weli ay boolisku baaritaan ku wadaan, isagoo intaas raaciyey in 3-da nin ay qorsheynayeen iney weeraro weerarro argagixiso ka fuliyaan gudaha dalka Kenya.

Raggan markii la qabanayey waxey wateen Toyota Land Cruiser, oo aan wax taariko ah lahayn, waxaana gacanta ku dhigay qaar kamid ah ciidamada Kenya ee xilliga habeenka ah roondada ka sameeya deegaaada xadka ah.

Alshabaab ayaa horay weeraro qorsheysan uga geystay deegaano ka tirsan Mandera, iyadoo halkaasina marin muddo u ahaa dhalinyarada Alshabaab uga bira Bariga Afrika.

Mareeg.com

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245