Mareeg Media
Somalia

Ciidamada Ilaalada Xaaf oo Weeraray Xarunta Dowladda Hoose ee Gaalkacyo

Wararka laga helayo Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in qaar kamid ah Ciidamada Ilaalada  madaxweyne xaaf ay saakay weerar ku qaadeen xarunta dowlada hoose ee magalada gaalkacayo.

Weerarkaan oo weli khasaaraha ka dhashay aan la shaacin ayaa ka dambeeyey,kadib markii
Golaha deegaanka ay diideen xilka qaadis lagu sameeyay duqa magalada gaalkacayo dhanka Galmudug.

Maalmihii la soo dhaafey waxaa Koonfurta Gaalkacyo ka taagneyd xiisad u dhaxeysay Madaxweyne Xaaf iyo Maamulka degmada,kadib markii Maamulka ay taageereen howlaha doorasho oo dowladda Federaalka ay ka wado Magaalada Dhuusamareeb.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!