Ciidamada huwanta oo la wareegay deegaano ka tirsan Bakool iyo Hiiraan * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ciidamada huwanta oo la wareegay deegaano ka tirsan Bakool iyo Hiiraan

Dagaalo xoogan ayaa saacadihii la soo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan Gobollada Hiiraan iyo Bakool, markii ciidamada Itoobiya ee AMISOM ka tirsan iyo kuwa dowladda ay weeraro ku qaadeen deegaano ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalada uu ka dhashay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray labada dhinac, waxaana ciidamada huwanta ay sheegteen inay la wareegeen deegaano dhowr ah.

Ciidamada howl galka ka waday Bakool ayaa ka soo dhaqaaqay dhanka degmada Tiyeeglow, halka ciidan kale ay ka soo dhaqaaqeen dhinaca galbeedka Beledweyn deegaano dhaca oo ku dhow Gobolka Bakool.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa sheegay inay la wareegeen deegaanada Ceel Cali, Buq-Goosaar, Ceel dheer iyo deegaano u dhaxeeya degmada Tiyeeglow iyo Xudur.

Lama oga khasaaraha rasmiga ee ka dhashay dagaalada, hase ahaatee waxaa deegaanada lagu dagaalamay ka barakacay dad badan oo deegaanadaas degenaa, kuwaasoo u badan xoolo dhaqato.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!