Ciidamada huwanta oo kulaalaya Baardheere iyo dhaq dhaqaaqyo ciidan ka jira * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ciidamada huwanta oo kulaalaya Baardheere iyo dhaq dhaqaaqyo ciidan ka jira

Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku dhow yihiin degmada Baardheere, iyagoo dhowr jiho ka kulaalaya.

Ciidamada huwanta ah ayaa la sheegay inay saddex wado ku socdaan, iyagoo doonaya inay hareereeyaan magaalada, si ay culeys ugu saaraan dagaalyahanada Al-Shabaab.

Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Jubbaland C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo la hadlay ayaa sheegay in Ciidamada uu qasadkooda yahay inay la wareegaan Baardheere.

“Saddex wado ayay ciidamada ka kulaalayaan, wadada ka timaada Qansax-Dheere ee Gobolka Baay, Wadada Buurdhuubo iyo dhanka Fafax-dhuun ayay ciidamada ka soo kulaalayaan, waxayna u jiraan 60-Km, waa tallaabo waa tallaabo waxay ciidamada ugu dhaqaaqayaan halkaas”ayuu yiri Fartaag.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ay saanadooda u dhan tahay, isla markaana Al-Shabaab ay ka saari doonaan.

Dadka deegaanka ayaa bilaabay inay ka barakacaan, waxaana ay cabsi ka qabaan in lagu dul dagaalamo, waxaana Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland oo arrintaas ka hadlay uu ugu baaqay shacabka inay is dejiyaan.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa la sheegay inay dhaq dhaqaaq ka wadaan Baardheere, waxaana dagaalyahano iyo gaadiid dagaal ay u direen duleedyada degmada ee furimaha dagaalka.

Si kastaba ha ahaatee degmada Baardheere oo ah degmo istiraatiiji ah, isla markaana uu maro wabiga Shabelle ayaa xuduud la leh Gobollada Bay iyo Jubbada Dhexe, waxaana haddii Ciidamada huwanta la wareegan ay macno u sameyneysaa sidii ay ugu gudbi lahaayeen Jubbadda Dhexe oo guud ahaan Al-Shabaab ay gacanta ku hayaan.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!