Ciidamada Huwanta ee dib u qabsaday Halgan oo la kulmay Oday * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ciidamada Huwanta ee dib u qabsaday Halgan oo la kulmay Oday

Halgan ( Mareeg)-Isagoo u warramayay Idaacad maxali ah ee Magaalada Muqdisho  Max’ed Cumar Aadan  Gaduudow ayaa ka warbixiyay kulamo Odayaasha dhaqanka ee deegaanka Halagan ay la qaateen Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM ee dib  u qabsaday deegaankaasi.

Max’ed Cumar ayaa tilmaamay in Odayaasha ay ka wada hadleen sidii Ciidamada iyo shacabka deegaanka Halgan ay isula shaqeyn lahaayeen.

Al Shabaab ayaa isaga huleelay deegaanka Halgan kadib markii Ciidamada huwanta ah dib halkaas ugu soo noqdeen.

Deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan ayaa ah deegaan istiraatiiji ah oo u dhexeeyay Magaalooyinka Baladweyne iyo Hiiraan halkaas oo la sheego in dhaq dhaqaaqyo ay ka sameeyaan Al Shabaab.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!