Ciidamada huwanta ah oo ku wajahan Baraawe * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ciidamada huwanta ah oo ku wajahan Baraawe

Mareeg.com: Ciidammada Soomaaliya iyo AMISOM ayaa bilaabay dhaqdhaqaaq ciidan oo ay ku doonayaan iney ku galaan degmada Baraawe oo ah xarrunta ugu weyn Alshabaab ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Cutubyo ka tirsan milateriga Soomaaliya iyo AMISOM ayaa u jiheystay dhanka degmada Baraawe, iyagoo ka dhaqaaqay deegaanka Buulo Mareer, waxaana sida warbaahinta dowladdu sheegtay ciidamadu la wareegeen tuulo lagu magacaabo Maryan-gubaay.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegay in deegaannada ay gacanta ku dhigeen ay yihiin kuwa hadda ay xaaladooda degan tahay.

Tuulada Maryan-gubaay ayaa ku dhow magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose, malleeshiyaadka Al-Shabaab ee magaaladaasi ku suganna waxaa la soo sheegayaa in ay ka sii cararayaan, iyadoo ay ka u ruqaansadeen dhanka gobolka Jubbada Dhaxe.

Gudoomiyaha Qoryooley ayaa horay warbaahinta ugu sheegay in kama dambeys 1-da October uu gobolka Shabeellaha Hoose ka bilaaban doono howlgal milateri oo lagu qabanyo degmada Baraawe.

Mas’uulkaas ayaa todobaad ka hor warbaahinta u sheegay in dagaalka lagu qaadayo Baraawe ay ka qeybgeli doonaan diyaarado dagaal iyo ciidamo cadaan ah sida uu yiri.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!