Ciidamada Galmudug oo bilaabay dhaq dhaqaaqyo ciidan ku wajahan deegaanka Camaara * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ciidamada Galmudug oo bilaabay dhaq dhaqaaqyo ciidan ku wajahan deegaanka Camaara

Ciidamada Maamulka Galmudug ayaa bilaabay dhaq dhaqaaqyo ciidan ku wajahan deegaanka Camaara ee Koofurta Galmudug, halkaasoo todobaadkii hore ay la wareegeen Al-Shabaab.

Sida ay sheegayaan wararka ciidamadan oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa ka kala baxay degmada Cadaado, Hobyo iyo deegaanka Wasil oo ka kala tirsan Mudug iyo Galgaduud.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Galmudug ay wehliyeen maleeshiyo beeleedyo ka soo jeeda Koofurta Galmudug, kuwaasoo doonaya inay ka hortagaan dagaalyahanada Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa sheegay in la soo gaba gabeeyay diyaar garowgii ay kula wareegi lahaayeen deegaanka Camaara iyo deegaanada kale ee ay la wareegeen Al-Shabaab.

Dadka deegaanka ayaa cabsi ka muujiyay dhaq dhaqaaqyadan ciidan ee ka jira Koofurta Gobolka Mudug, waxaana la soo sheegayaa inay jiraan tuulooyin laga barakacay.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!