Ciidamada Ethiopia oo lagu eedeeyay in Maamullo ay u sameeyaan deegaanada lagala wareego Al Shabaab * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ciidamada Ethiopia oo lagu eedeeyay in Maamullo ay u sameeyaan deegaanada lagala wareego Al Shabaab

Garbahaareey ( Mareeg)-Siyaasi Cabdi Shire  oo ka mid ah Siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobolka Gedo oo u warramay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu Ciidanka Ethiopia ee qeybta ka ah howl galka AMISOM ku eedeeyay in Maamullo iyagu ay wataan oo aan dadka deegaanku ku qanacsaneen ka yagleela meelaha Ciidanka dowladdu iyo kuwa AMISOM kala wareegaan Al Shabaab.

Mr CabdiShire ayaa waxa uu sheegay in Maamulka KMG ah ee Jubba aysan shaqeyn doonaan maamullada uu u soo Magacaabay Gedo , isagoona carabka ku adkeeyay in ay aqoonsan yihiin Magacaabista dowladda dhexe oo kaliya ayna ka war sugayaan gu’aankeeda.

Maalmihii ugu dambeeyay gaar ahaan wixii ka dambeeyay heshiiskii Magaalada Doolow ay ku wada gaareen Madaxda Maamulka  Jubba iyo Siyaasiyiintii ka soo horjeeday ayaa waxaa isi soo tarayay maamullada cusub ee loo Magacaabayo deegaanada Gobolka Gedo.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.