Ciidamada Ethiopia iyo Jabuuti oo khilaafkooda la xalliyay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ciidamada Ethiopia iyo Jabuuti oo khilaafkooda la xalliyay

Baladweyne ( Mareeg.com)-Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow gudodomiye ku xigeenka Guddiga arrimaha Gudaha iyo Amniga Baarlamaanka ayaa sheegay in la xalliyay khilaaf soo kala dhex galay Ciidamada Jabuuti iyo Ethiopia oo ka wada tirsan Howl galka Midowga Africa ee Soomaaliya AMISOM.

Mudane Jeesow ayaa tilmaamay in labada dhinac oo kulamo ay la qaateen kadib ay is fahmeen haatanna ay sii socon doonaan howl galladii ka dhanka ahaa Al Shabaab ee ka socday Gobolka Hiiraan.

Saraakiisha Ciidamada Jabuuti ee Ku sugan Gobolka Hiiraan ayaa dhawaan warbaahinta u soo bandhigay khilaaf kala dhexeeya Ciidamada Ethiopia ee ku sugan gobolkaasi iyagoo tilmaamay in Ciidamada Ethiopia aysan ka amar qaadan howl galka AMISOM balse ay si toos ah amarkooda uu uga soo baxo Addis-ababa.

Gobolka Hiiraan ayaa muddooyinkii dambe waxaa ka socday howl gallo ka dhan ah Ururka Al Shabaab.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!