Ciidamada dowladda Uganda ka socda Oo soo gaaray Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ciidamada dowladda Uganda ka socda Oo soo gaaray Muqdisho

Ciidamada ka socda dowladda Uganda ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Africa ay ka wadaan Soomaaliya  ayaa soo gaaray Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho si ay ugu biraan howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ka soconaya sida lagu sheegay war qoraal ah oo AMISOM ka soo baxay.

 

Bosco Mutambi oo ah taliyaha Ciidmadaan cusub ee ka socda dalka Uganda ee  yimaaday  Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidamadu ay garayaan 1400 oo askari ayna wax badan ka badali donaan awooda Ciidamada AMISOM ee dalka jooga.

 

Bosco Mutambi ayaa tilmaamay  in ciidamadaan dowladda Uganda ay soo dirtay ay ka howlgali doonaan goballada Banaadir, iyo  Shabelleha hoose si tageero ay u siyaan Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ee goballadaas ku sugan.

 

“ Howgalka AMISOM waxaa ka go’an tageerida dowladda  Soomaaliya si looga mira dhaliyo yoolka la hiigsanayo ee ah in dalka Soomaaliya la nabadeeyo” Sidaasi waxaa lagu yiri warka qoraalka ah ee howlgalka AMISOM ka soo baxay.

 

Dowladda Uganda ayaa ka mid dowladaha ka qayb qaadanaya howlgalka AMISOM waxaana Soomaaliya ka jooga ciidamada ugu badan ee howgalka AMISOM ku jira.

 

 

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!