Mareeg.com: Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in diidamadii dowladda Soomaaliya ee magaalada Gurceel kula dagaalamay Ahlu Suna halkaas laga kaxeeyey, iyadoo la dhaqangelinayo heshiis dhexmaray labada dhinac.
Ciidamada dowladda ayaa la geeyey Magaalada Dhuusa Mareeb, waxaan tallaabadan qayb ka tahay heshiiskii ay Khamiistii lasoo dhaafay Magalaada Guriceel ku kala saxiixdeen Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya General C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo Madaxda Ahlu Sunada Gobolada Dhexe.
Goobaha ay baneeyeen Ciidamada Dowladda waxaa laga tilmaami karaa Xerada Militariga Harqaboobe, iyadoona si buuxdo loogu wareejiyay Ciidanka Midowga Afrika ee Amisom.
Ciidamada AMISOM ayaa ku kala dhex jiri doona labada dhinac inta si la hubo looga xoojinayo xabad joojinta ay labada dhinac wada gaareen.
Dadkii bishii hore ku barakacay dagaalka Guriceel, ayaa waxay bilaabeen inay dib ugu soo laabtaan Magaalada. In ka badan 40 qoys waxaa la xaqiijiyay inay durbaba ku soo guryo noqdeen.