Ciidamada dowladda oo dagaal kula wareegay xarrumaha maamulka Guriceel * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ciidamada dowladda oo dagaal kula wareegay xarrumaha maamulka Guriceel

Mareeg.com: Wararka ka imaanaya deegaanka Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya ay dib ula wareegeen inta badan magaaladaas, oo saaka uu ka qarxay dagaal cusub kadib markii ay weerar ku qaadeen ciidanka dowladda taabacsan oo 10kii bishaan laga saaray, kadib markii ciidamo ka socda Ahlusuna weerareen.

Sida wararku sheegayaan, dagaalka ayaa weli ka socda dhanka woqooyi ee magaalada, halkaasoo la sheegay in loo riixay ciidamada Ahlu Sunna oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay gacanta ku hayey magaalada.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in weli xabadi dhaceyso, islamarkaana ciidamada dowladda gudaha ay usoo galeen.

Goobjoogeyaal ku sugan Gurceel ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda ay gacanta ku dhigeen saldhiga booliska iyo Xarunta degmada Gurceel.

Lama ogaan karo khasaaraha dhabta ah ee dagaalka ka dhashay, maadaama dagaalka weli uu socdo, oo ay adag tahay helida xogta ku saabsan khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ee dagaalka.

Ciidamada Dowladda ee weerarka saaka kusoo qaaday Magaalada Guriceel, ayaa gurmad ciidan waxa ay ka heleen Magaalada Dhuusa Mareeb, waana mida ku dhiiragelisay inay weeraraan Magaalada.

Ciidankii Ahlu Sunna ayaa hada ka dagaalamaya Magaalada dhankeeda waqooyi, inkastoo weli aan si toos ah Magaalada looga saarin.

Dhanka kale, waxaa soo baxaya baaqyo nabadeed oo loo jeedinayo dhinacyada ku dagaalamaya Guriceel.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!