Mareeg Media
Somalia

Ciidamada Dowladda oo weeraray Saldhiga ay ku sugnaayeen Al-Shabaab+Sawiro

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa waxaa ay howlgallo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shababa ka wadaan tuulooyin hoostaga degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Ciidamada Dowladda ayaa sigaar ah waxaa ay howlgallada ugu wadaan deegaanka Reydab oo 45km dhinaca Bati ka xigta degmada Baardheere,halkaas oo la sheegay inay dhibaatooyin ka geysteen Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan tiska Guutada 10-aad ee Ciidamada dowladda ee Gobolka Gedo ayaa waxaa ay sheegeen in ciidamadu ay weerareen deegaanka Reydab oo ay Al-Shabaab dad ku sugan deegaankaas ay Xoolo farabadan ka dhaceen.

Sidoo kale Waxaa Heegan Guud la Galiyay Dhamaan Ciidamada Xooga Dalka ee ku Sugan Gobolka Gedo.

Waxaa ay intaasi ku dareen in howlgalka ay siiwadi doonaan ilaa iyo inta Shabaab ay ka dulqaadayaan dadka ku sugan tuulooyinka hoostaga Baardheere oo ay dhibaatooyin ku hayaan.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!