Ciidamada Dowladda oo weerar ku ah Al Shabaab — Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ciidamada Dowladda oo weerar ku ah Al Shabaab

Ciidamada Xoogga iyo kuwa Jubbaland ayaa waxaa ay dhaq-dhaqaaqyo military ay ka wadaan Deegaano u dhow degmada Jamaame ee Gobalka Jubada Hoose.

Saraakiisha Ciidamada Jubbaland ayaa waxaa ay sheegeen in ay bartilmaameedsanayaan Xubnaha ka tirsan  Dagaalamayaasha Al-Shabaab ee ku sugan Deegaanada ka agdhow Degmada Jamaame.

Sidoo kale Saraakiisha ayaa waxaa ay Sheegeen in Maalmaha soo aadan ay Al-Shabaab ka saari doonaan Degmada Jamaame  ee Gobalka Jubada Hoose.

Shalay ayay aheyd markii ciidamada Xoogga iyo kuwa Jubbaland ay xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab ay ku dileen Deegaano deegaano u dhow Degmada Jamaame ee Gobalka Jubada Hoose.

Maalmihii ugu dambeeyay ayaa ciidamada Xoogga iyo kuwa Jubbaland waxaa ay Howlgalo ka dhan ah dagaaalamayaasha Al-Shabaab ay ka wadeen Deegaano ka tirsan Gobalka Jubada Hoose.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Find a Job.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!