Ciidamada dowladda oo sheegtay iney dhul hor leh kala wareegeen Alshabaab

Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in ciidamada Dowladda Soomaaliya oo garabsanaya kuwa Itoobiya ee AMISOM ay deegaano horleh oo ka tirsan Gobolkaas  ka qabsadeen Dagaal yahano ka tirsan Al Shabaab.

Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa kala wareegay Al Shabaab Labo Degaan oo lagu kala magacaabo Seydhaaloow iyo Laabatan-jiroow 60 Km u jirta Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Maxamed Isaaq Caracase  oo ah gudoomiyaha degmada Bardaale ayaa sheegay in ciidammadu ay deegaannada kula wareegeen howlgal xirfadeysan.

Caracas ayaa sheegay iney Alshabaab ka qabsadeen ilaa afar baabuur oo ah kuwa dagaalka, sida uu yiri.

Gudoomiyaha ayaa hoosta ka xariiqay in ciidamadu ay deegaanadaasi ka wadaan howlgallo dheerraad ah oo ay ku xaqiijinayaan amaanka, waxaana ciidamada halkaasi kusoo dhaweeyay dadka deegaanadaasi.

Deegaannada Saydheeloow iyo Labaatan jiroow waxay 60 km Waqooyi uga beegan yihiin magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.

Ma jiro war kasoo baxay Alshabaab, kaasoo ku aadan dagaalka sarkaalkan ka tirsan dowladda Soomaaliya sheegay iney ku qabsadeen gaadiid dagaal.

Mareeg Media

 

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245