Mareeg Media
Somalia

Ciidamada Dowladda oo qabtay Xubin katirsan Al-Shabaab

Ciidammada Ammaanka ayaa howlgal gaar ah oo qorshaysan oo ay ka sameeyeen duleedka magaalada Muqdisho ayaa waxay gacanta ku soo dhigeen Xubin sare oo la sheegay in uu ka tirsanaa Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan ciidanka ayaa inoo xaqiijiyay in Xubintaan ay ka war haayeen ciidammada ammaanka isla markaana lagu raad joogay mudooyinkii u dambeysay.

Saraakiisha ayaa waxaa ay sidoo kale sheegeen in Al-Shabaab uu u qaabilsanaa dilalka dadka dadka Shacabka ah iyo Qaraxyada la galiyo wadooyinka oo lala eegto Ciidamada Dowladda & kuwa AMISOM.

Ciidammada ammaanka ayaa mudooyinkaan danbe sii xoojiyay howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana ciidamada oo kaashanaya shacabka ay ku guuleesteen inay qabtaanXubno  badan oo Al-Shabaab ah.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!