Wararka laga helayo Guriceel ayaa sheegaya in ciidankii ka tirsanaa Ahlusuna ay labo dhinac kala aadeen, waxaana qeyb ka mid ah ay u baxeen dhanka Xeraale,.
Sidoo kale ciidamo kale oo uu watay Cabdi Waal ayaa iyana u baxay deegaanka Geri-Jire oo 60-KM galbeed ka xigta Guriceel, halkaasoo u dhow dhinaca xuduuda Itoobiya.
Jimcihii lasoo dhaafay ayaa ciidamada dowladda laga saaray deegaanka Guriceel, waxaana sidoo kale la weeraray wafdiga ka socday dowladda Soomaaliya.
La wareegidda ciidamada dowladda ee Guriceel ayaa kusoo beegantay xilli qaar ka mid ah odayaasha dhaqanku sheegeen iney labada dhinac dhex dhigeen xabad joojn 3 maalmood ah.
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.