Ciidamada Dowladda Oo La Wareegay Deegaano Ka Tirsan Gobolka Gedo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ciidamada Dowladda Oo La Wareegay Deegaano Ka Tirsan Gobolka Gedo

Garbahaarey ( Mareeg )-Wararka laga helayo Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay la wareegeen deegaano hor leh oo ka tirsan Gobolkaasi.

Cabdi Cali Maxamed oo ka mid ah saraakiisha Ciidamada Dowladda ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in la wareegeen Gacan ku heynta deegaano u dhaxeeya Degmooyinka Baarddheere iyo Garbahaarey ee Xarunta Gobolkaasi.

Waxaana uu tilmaamay in wax dagaal ah uusan ka dhicin halkaasi, islmarkaana si Nabad Gelyo ah Ciidamadu ay kula wareegeen, kadib howlagallo ka sameeyeen deegaanadaasi.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa Ciidamada Dowladdu dha dhaqaaqyo ka dhan Al Shabaab ay ka wadeen deegaano ka tirsan Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!