Ciidamada dowladda oo la wareegay deegaanka Tooro-Toorow * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ciidamada dowladda oo la wareegay deegaanka Tooro-Toorow

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo ay wehliyaan ciidanka AMISOM ayaa la wareegay deegaanka Tooro-Toorow ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasoo ay saldhig ku lahaayeen Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada huwanta ay si nabad ah kula wareegeen deegaanka, kadib markii ay isaga baxday Al-Shabaab.

Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda ayaa sheegay in Al-Shabaab intii mudaba ay u aheyd Toora-Toorow saldhig ay uga duulaan deegaanada kale ee ay ku sugnaayeen Ciidamada dowladda.

Al-Shabaab ayaa la sheegay in degmada Sablaale kaliya ay ku hartay gacantooda, iyadoo inta badan deegaanada Gobolka Shabeellaha Hoose ay gacanta ku hayaan ciidanka dowladda.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa la sheegayaa inay isu diyaarinayaan duulaan ballaaran oo ku wajahan deegaanada Shabeellaha Hoose iyo deegaanada kale ee deriska la ah.

Bishii la soo dhaafay ayaa Al-Shabaab weeraro ku qaaday deegaanada Awdheegle iyo Mubaarak oo dhowr jeer inta ay qabsatay isaga baxday.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.