Ciidamada Dowladda Oo Howlgallo Ka Sameeyay Yaaqshiid — Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ciidamada Dowladda Oo Howlgallo Ka Sameeyay Yaaqshiid

Ciidamada ammaanka ee DFS ayaa Xalay howlgal ballaaran ka sameeyay qeybo ka mid ah degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxa ay saraakiisha hoggaamineysa sheegeen in uu ahaa mid ay ku baadi goobayeen Raggii ka dambeeyay weerar shalay ka dhacay gudaha degmadaasi.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in howlgalkaasi lagu qab qabaty tiro dhalinyaro ah oo loo kaxeey dhanka Saldhigga degmadaasi Yaaqshiid.

Guddoomiyaha maamulka degmadaasi Axmed Xasan Geedow oo la hadlay Warbaahinta ayaa ugu baaqay Shacabka ku dhaqan Yaaqshiid in ay kala shaqeeyaan ammaanka.




Waxaana uu sheegay in ay ka hortagi doonaan weerar kasta oo kaga yimaada dhanka Xarakada Al Shabaab.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Find a Job.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!