Ciidamada Dowladda oo howlgallo ballaaran ka sameeyay Magaalada Marka * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ciidamada Dowladda oo howlgallo ballaaran ka sameeyay Magaalada Marka

Marka (Mareeg)—Howlgalladan ahaa kuwa ballaaran islamarkaana Dad badan lagu qab qabtay ayaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya waxey ka sameeyeen Xaafado ka tirsan Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh.Hoose.

Ciidamada Dowladda ayaa howlgalladooda xooga waxey ku saareen Xaafadaha Buulo-Jaan iyo Ruuziyo ee Degmada Marka kadib markii Xalay Qaraxyo iyo Saaka halkaasi ay ka dhaceen Qaraxyo.

Howlgalladan maanta laga sameeyay magaalada Marka ayaa hakad geliyay isku socodka Gaadiid iyo Ganacsigii ka jiray halkaasi waxaana Dadka lagu xiray baaritaanadaasi su’aalo lagu weydiinayaa Xabsiga Dhexe ee Magaalada Marka.

Ugu dambeyn, Howlgalladan ay sameeyeen Ciidamada Dowladda ayaa yimid kadib markii tiro Bam gacmeed ahaa lagu weeraray Bar-koontarool Ciidamada Dowladda ay kaga sugan yihiin Magaaladaasi iyadoona xusid mudan in Shalay Magaaladaasi la geeyay Ciidamo badan oo isugu jira Militari iyo Nabad Sugida kuwaasi oo laga doonayo xaqiijinta amaanka Degmada Marka.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!